Labo kamid ah Ragii dilka iyo Kufsiga u geestay Caasho Ilyaas oo saakay la toogtay

Waxaa saakay fagaare kuyaala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu toogtay labo nin oo kamid ahaa ragii kufsiga iyo dilka magaalada Gaalkacyo ugu geestay Caasho Ilyaas oo aheyd gabar yar 13-sano jir aheyd.

Maxkamadaha kala duwan ee maamulka Puntland ayaa xukun dil ah ku riday sadex nin oo lagu helay in iyagu ka dambeeyeen dilka iyo kufsiga gabadha yar loogu geestay Waqooyiga  magaalada Gaalkacyo .

Fagaaraha kuyaala magaalada Boosaaso ayaana saaka lagu toogtay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana dib loo dhigay xukun dil ah oo isna lagu fulin lahaa C/Salaan C/raxmaan Warsame.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweeyay xukunka cadaalada ah ee lagu riday raga dilka iyo kufsiga isugu daray gabadha yar, waxaana falkan gabadhan lagula kacay si weyn uga carooday umada Soomaaliyeed .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -