Raila Odinga oo loo dhaariyay Madaxweynaha Dalka Kenya (Daawo Sawirada)

Hogaamiyaha dalka Kenya Raila Odinga ayaa maanta loo dhaariyay Madaxweynaha dalka Kenya kadib munaasabad balaaran oo lagu qabtay Fagaaraha Xuriyada Uhuru Park ee magaalada Nairobi.

Munaasabada lagu dhaarinayay Hogaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya waxaa kasoo qeyb galay kumanaan taageerayaashiisa kuwaa oo ku faraxsanaa in Raila Odinga loo dhaariyo in uu hogaamiyo shacabka Kenya.

Fagaaraha Uhuru Park waxaa tagay Hogaamiyaha Mucaaradka Odinga iyo qaar kale oo kamid ah Hogaamiyaasha Mucaaradka, waxaasa munaasabada kasoo muuqan kuxigeenka Hogaamiyaha Mucaaradka Kolonzo Musyoka.

Raila Odinga Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo munaasabada hadal koban ka jeediyay ayaa shegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Xeer Illaaliyaha guud ee Qaranka Kenya ayaa uga digay Hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga in loo dhaariyo Madaxweyne, waxa uuna falka dhaarinta ku tilmaamay qiyaano qaran ciqaabteedana noqon karto dil toogasho ah.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa horey loogu dhaariyay Madaxweyne kadib markii uu ku guuleestay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday, waxaana doorashadaasi qaadacay Hogamaiyaasha Mucaaradka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -