Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Xeer ilaaliyaha Jubbaland oo la magacaabay (Akhriso Digreeto)

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Xeer ilaaliyaha maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa u magacaabay Sheekh Cabdishakuur Ibraahim Cabdi in uu noqdo gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Jubbaland halka Xeer Ilaaliyaha maamulkaasi u magacaabay  Maxamed Sheekh Cusmaan Siciid.

Magaacaabisa Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Xeer ilaaliyaha Jubbaland ayaa kusoo aadeysa xili magaalada Kismaayo ka taagan xiisad siyaasadeed laguna eedeeyay Madaxweynaha Maamulkaasi in awood u sheeganayo dadka kasoo horjeeda.

Halkan ka Akhriso Digreetada Magacaabista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -