Ku-simaha Madaxweynaha oo Xaqiraad ku eedeeyay Xukuumada R/W Kheyre

Ku-simaha Madaxweynaha Somalia ahna ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabduweli Ibraahim Muudeey oo xalay ka hadlay Munaasabad uu xilka kula wareegayeen maamulka gobolka Banaadir ayaa Xukuumada ku eedeeyay Xaqiraad.

Waxa uu sheegay Ku-simaha Madaxweynaha in looga baahan yahay Xukuumada Soomaaliya uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre in aysan xaqirin ama aysan inkirin waxyaabihii ay soo qabteen dowladihii ka horeeyay.

Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa xusay in dowladihii tan ka horeysay ay waxbadan oo muuqda soo qabteen, waxa uuna intaa raaciyay in dowladan ay timid iyadoo wax badan lasoo qabtay oo lasoo rafaaday.

“Waxaa la yiri Gadaal ka gaar waa golob dumis , lama rabo in lagu abaal dhaco waxii ay soo qabteen dadkii idinka horeeyay, waxaad timideen meel dhisan oo inta lagu soo rafaaday lagu soo qarxay , maad sheegtaan dadkii idinka horeeyay waxii ay soo qabteen, abaal darida ma fiicno waxaan rabaa qof kasta oo Soomaali ah oo wax wanagasan soo qabtay in la sheego, taas ayey cadaalada iyo Soomaalinimada ku jirtaa” Ayuu yiri kusimaha Madaxweynaha.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay xaqiraad badan ku sameyso waxqabadkii muuqday ee soo qabteen Dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray, kuwaa oo ku soo shaqeeyay xaalad adag oo naf hurnimo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -