Daawo Sawirada: Maamulka Cusub ee gobolka Banaadir oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Waxaa xalay xarunta Dowlada Hoose ee Xamar lagu qabtay munaasabad balaaran oo xilka kula kala wareegayeen Maamulka Cusub ee gobolka Banaadir iyo maamulkii hore ee xilka laga qaaday.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey, Wasiirro, Xildhibaanno,Madaxweynaha Hirshabelle, Masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Taabit Cabdi Maxamed oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa wax badan u qabsoomeen intii ay joogeen, waxa uuna xusay in uu ku faraxsan yahay in si hufnaan ah uu xilka ugu wareejiyo Gudoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo isna ka hadlay munaasabada ayaa amaanay maamulkii hore , waxa uuna sheegay in maamulkiisa uu wax badan ka qaban doono howlaha horyaala.

“Waxaan shacabka ku nool caasimadda Muqdisho u ballanqaadayaa inaan u qabto waxa ay iga wada rajaynayaan oo ah ka shaqaynta nabadda, caddaaladda, , shaqo abuurka iyo ilaalinta ammaanada, si loo gaarsiiyo adeegyo bulsho guud ahaan dadka degan Caasimadda”Ayuu yiri Yariisow.

Waxa uu ka codsaday Duqa cusub ee magaalada Muqdisho  shacabka in ay la shaqeeyaan si wax badan loo qabto,  waxa uuna sheegay in wax badan ka qaban doonaan horumarinta magaalada.

Ugu Dambeyn Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa waxa ayna is dhaafsadeen dukumiintiyo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -