Madaxweynaha Jubbaland oo lagu sifeeyay in uu yahay Kaligiis talis

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu sifeeyay in uu yahay hogaamiye kaligiis talis ah oo caburin iyo caga jugleyn ku haya dadka kunool Deegaanada Jubbaland.

Wasiirkii hore Warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Cilmooge Xersi ayaa ku tilmaamay Hogaamiyaha maamulka Jubbland in uu yahay hogaamiye kaligiis talis ah oo jecel in kaligiis wax maamulo siyaasadiisana aan laga soo horjeesan.

Waxa uu sheegay Ciilmooge in Axmed Madoobe ku fashilmay hogaaminta maamulka Jubbaland, waxa uuna intaa raaciyay in aysan jirin wax deegaano ah oo ka xureeeyay gobolada Jubooyinka intii uu xilka hayay.

” Axmed Madoobe waa nin kaligiis talis ah oo jecel in kaligiis wax maamulo, sidaad ogtihiin waxa uu ku fashilmay in deegaanada Jubbaland ka xureeyo Shabaab, waxaa sidoo kale xaalufin lagu hayaa dhirtii oo inta dhuxul laga dhigo Kismaayo laga dhoofinayo” Ayuu yiri Siyaasiga Ciilmooge.

Wasiirkii hore ee Waffaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in uu yahay Musharax u taagan samo tabixinta Jubbaland, waxa uuna balan qaaday in wax qabad muuqda la imaan doono hadii xilkaasi lagu aamino.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa cadaadis xoogan ku haya siyaasiyiinta iyo dadka kale ee siyaasadiisa kasoo horjeeda ee ku sugan deegaanada Jubbaland, waxa uuna Axmed Madoobe ku fashilmay in uu horey u dhaqaajiyo maamulka Jubbaland oo Kismaayo fadhiid ku ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -