Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qadar oo War kasoo saartay Weerar Bambaano oo lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha Dayniile

Dowlada Qadar ayaa si kulul u cambaareesay weerar bambaano oo habeen hore lagu qaaday guriga uu Muqdisho ka degan yahay Gudoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali Jacfar.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda  Qadar ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay weerarka bambaano ee lagu qaaday Guriga Jacfar, waxa ayna Wasaaradu sheegtay in ay kasoo horjeedo Colaadaha iyo falalka kale ee sababi kara waxyeeladda.

Dowlada Qadar ayaa tacsi u dirtay qoyska Haweeney rayid aheyd oo ku geeriyootay qaraxa bambaano ee lagu weeraray Guriga Gudoomiyaha Dayniile Jacfar oo xiliga la weeraray la sheegay in uu ka maqnaa.

Kooxo hubeesan ayaa habeen hore Weerar bambaano ku qaaday Guriga Gudoomiyaha degmada Dayniile oo kuyaala Howlwadaag, waxaana weerarkaasi ku dhimatay hooyo wadada mareysay halka ay ku dhaawactay gabar ay dhashay hooyada geeriyootay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Xaliimo Cabdullaahi Fiidow booskeedana nin u magacaabay

Cabdi Cade

Baarlamaanka Somalia oo soo gebagebeeyey dooda cutub ka mid ah dastuurka

Caydiid Ali

Somaliland oo ka tacsiyadeysay Qaraxii xeebta Liido

Caydiid Ali
Taboola Ads ---