Bankiga Amal oo xafiis cusub ka furtay xaafada Sanca ee Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Sanca lagu qabtay munaasabad lagu daah furayay xafiis cusub uu Bangiga Amal ka furtay Xaafada Sanca si adeega bangiga loo gu fududeeyo dadka halkaasi degan.

Maamulaha Amal Bank Sanca Cabdulahi Maxamed Maxamud oo furay xafladda ayaa bayaamiyey ujeedada xafladda isla markaasna kusoo dhoweeyey Maamulaha bangiga amal ee Mogadishu Maxamed Cabdi Aybakar oo si aad ah ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay in bank lagu xirnaado iyo in bank-gu yahay furaha hormarka bulshada.

Madaxa Xafiiska Suuq Bacaad Sheikh Cabdullahi xassan ayaa bulshada reer Sanca ugu hambalyeeyey adeegyada cusub ee Amal Bank u keenay isla markaasna kulana dardaarmay in ay ka faidaystaan adeegyada kala duwan ee Bank-gu u hayo

Waaxda suuqgeynta bank-ga Amal ee Mogadishu una hadlayay Yoonis Cise Dirie ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday sharaxaadna kabixiyey adeegyada kala duwan ee bankigu bulshada Sanca u keenay kuwaas oo ay kamid ahaayeen akoono kala duwan oo lajaanqaadaya qofkasta baahidiisa, adeegga maalgelinta ganacsatada yar-yar iyo maalgelinta.

Qaybaha kala duwan ee bulshada oo kasoo qaybgalay xafladan ayaa waxa ay aad u soo dhoweeyeen adeegyada loo keenay iyaga oo dhanka kalana ku amaanay sida ay Amal bank u garabtaagantahay bulshada soomaaliyeed isla markaasna ay markasta kaga warqabto baahiyahooda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -