Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo sameeyay dhoolotus ka nixiyay waddamada reer Galbeedka

Ruushka wuxuu sameeyay tijaabada gantaallada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba, kuwaas oo qaadi kara madaxyada Nukliyeerka, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca Ruushka.

Dowladda ayaa adeegsanaysa gantaallada kala ah ; Yars, Bulava iyo Sineva oo laga riday maraakiibta qaada gantaallada Nukliyeerka ee Knyaz Oleg iyo Novomoskovsk ,sida ay ku dhawaaqday wasaaradda difaaca Ruushka oo sheegtay in hubkan la tijaabiyay inta lagu jiray dhoolatus ah ay Talaadadii shalay sameeyeen ciidanka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa isagoo aalada fogaan aragga kula xiriiray saraakiisha sare ee militariga, wuxuu sheegay in dhoolatuskan uu ka mid noqon doono tallaabada saraakiisha ugu sarreysa Ruushka ay wax uga beddelayaan siyaasadda adeegsiga hubka Nukliyeerka oo ay ku jiraan gantaallada ballistic-ga ee xambaari kara nukliyeerka.

Wasiirka difaaca Ruushka,Andrei Belousov ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid loogu talagalay in lagu soo bandhigo sida uu Ruushka isaga difaacayo, uga hortagayo , si dhaqso ahna uga jawaabayo haddii uu dhaco weerar Nukliyeer ah.

 

Related posts

Axmed Madoobe oo shir weyn ka furay Kismaayo & DF oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Nooc ka mid ah Shimbirta qoolleyda oo lacag waali ah lagu kala iibsaday

Caydiid Ali

DF oo sheegtay iney diyaar u tahay wax ka bedelka Guddiga doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---