Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynaha Mareykanka oo ku hanjabay in uu burburin doono dhaqaalaha Turkiga hadii…

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa hanjabaad culus hawada usoo mariyay dowlada Turkiga, xili labada dal isku fahmi la yihiin qadiyada xoogaga Kurdiyiinta ee ka dagaalama gudaha Siiriya.

Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu bur burin doono dhaqaalaha dalka Turkiga hadii ciidamada milatariga Turkiga ay weerar ku qaadaan xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaalama gudaha dalka Siiriya.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay ku sheegay in uusan dooneynin in kooxda Kurdiyiinta ee xukuumadda Ankara ay u aqoonsan tahay argagixisada aanan la daandaasan.

Hadalka Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu ka carooday taageerada Mareykanka siiyaan Kurdiyiinta, waxa uuna Erdogan ku hanjabay in uu cagta marin doono Kooxaha Kurdiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay in weerar qorsheesan ku dileen 9-qof oo Kenyan

Cabdi Cade

Xafiiska RW Xamse oo la wareegay howlihii Wasaarada Gargaarka (Sawirro)

Caydiid Ali

Abiy Ahmed oo Fadeexad kala kulmay sawiro uu baahiyey (Daawo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---