Xildhibaanada Murusade “inta aadan ku xiiqina degmada Dayniile meel ku sheega Ceelbuur, & Galhareeri !!

Kuraasta xildhibaanada beesha Murusade qaar baa weli xinjiri ka da’eysaa, qaarna maqalkooda beeshu waa ka xajiimootaa. Hal hal roon waa iska jiraa ,Horay baase loogu maahmaahday, “Ninkii ku yiraa dad xumi, dad laawe ayaa la yiraahdaa“. Hadda iyaga ayaa inoo ah xildhibaano aqal sare iyo mid hoosaba.

Sidaas darteed, ku sii  dheeraan mayno doodda la xiriirta sharciyadda kuraasta ay ku fadhiyaan. Waxaan doodaasi ku soo afjareynaa murtidii ka soo maaxatay gabadhii yareed ee dugsileyda ahayd, ee  ku tiri Macalinkeedi Quraanka, “Macalimow waxaad xalay fashayba fashee, “wa in faa tukum Macalinkiina uu ku jawaabay, “sheeg sheeg lama rabee sheydaan yahay, ” Sheyun min Azwaajikum. Xildhibaano: kuraas la boobay horay baan u soo aragnay, ee ka qeybgalka dhul boobista Dayniile ka socota yeysan magac xumo kale, idiin soo jiidin.

Maanta Xildhibaanadii Murusade waxay ku andacoonayaan,” Waxaan degmada Dayniile ka rareynaa xeryihii ciidamadaCajiib.  Oraahdaas qudheeda ayaa ah gef aan laga fiirsan.  Walaalayaal Xildhibaano, xeryaha ciidanka ee aad sheegaysaan halkee bey ku yaalaan? Miyeydaan ogeyn in shacabkii Murusade iyo walaalahood Soomaaliyeed ay mar hore eryeen xukunkii faasidka ahaa, oo ay waa’ hore iska dulqaadeen xeryihii cadaawadda loo dhisay, ee sida gaarka loogu gabood fali jiray shacabka deegaanka Dayniile u dhashay.

Waad ogtihiin Golihii Sare ee Kacaanka ee dalku u afduubnaa muddo 21 sano (1969 -1991) ah, in ay si xoog ah Dayniile uga dhisteen xerooyin milateri, ay ugu talagaleen in ay ku ilaashadaan xukunkii ay Dawladii Rayidka ahayd ka boobeen. Ee Siyaad Barre ka ahaa Madaxweyne aan dhicin, illaa taqaantuqis looga saaro Villa Soomaaliya, january 1991.

Xildhibaano, Beesha Murusade wax yaabaha ay ka dhiidhisay waxaa ka mid ahaa:

  1. kow ka ahaa tacadiyadii ay kala kulmeen askartii waagaas la dul     dejiyey;
  2. Xeryaha aad sheegeysaan waxay ahaayeen aalad ama qalab loo adeegsado in reer Muqdisha lagu gummaado afkana laga jifeeyo,     haddii     ay isku dayaan dhawaaq;
  3. Xeryahaasi waxay si khaas ah ugu diideen nolol iyo horumar    Murusadihii degenaa Dayniile;
  4. Haddaba, si ay isaga xureeyaan gumeysigii askartu hoggaaminaysay,   waxay Siyaasiyiintii Murusade dantu ku kaliftay in ay jiida hore      ka galaan hoggaaminta dhaqdhaqaaqyadii SNM iyo USC.
  5. Dib u xasuusta AUN dawrkii muuqday ay Cali Wardhiigley, Xaashi Weheliye iyo rag kale oo badan, ay ka qaateen iska xureynta kalitalisnimadii dalka ku habsatay.
  6. Dib u xusuusta, wixii naf iyo maal ku baxay eryidii xukunkii milateriga ahaa iyo khasaarihii ka dhashay xeryahaas.

Haddaba, ma dib ayaad noogu soo celinaysaan heeryadii gumeysiga ee aan kol hore tuurnay? Mise garaadkiina ayaaba ah kii xilligii musuqmaasuqa, oo waxaad weli aaminsan tihiin in dadka dusha laga rarto. Shacabka Dayniile ee Murusade marnaba diyaar uma ahan cadaadis dambe. Dhulka Dayniile waa xabag dhuunkaal iyo dhamac kulul, cidii uu damac ka galana faraha ayey  ka guban doontaa, Insha Allah.

Xildhibaano xeryaha Milateriga ee aad sheegeysaan sow ma ahan kuwii ay dhibaatada ka dhaltay, ee horseedka u ahaa gulufkii colaadeed ee dalka oo idil ku burburay. Guud ahaan shacabkii Muqdisha wey iska diideen shalay in la duleysto, maantana warkeeda da’. Xeryihii caburinta iyo caddaadinta ee dayniile laga dhisay, oo aan ka dagaalanay miyaad adinku dib u soo nooleyn kartaan? Xildhibaano dib u aqriya taariikhda iyo dareenka beesha Murusade iyo tacadiyadii ay ka dhiidhiyeen guud ahaan  reer Muqdisho, 1980 kii.

Ma waxaad moodeen in 2019 ay Golihii Sare ee Kacaanka iyo M. Siyaad Bare  dib u soo noolaadeen. Mise Madaxweyne  M. C. Farmaajo ayaad ku kaheysaan in uu yahay M. Siyaad Bare. Malaha Kheyrana waxaad ku kihi-doontaan Generaal Maxamed Sh. Cusmaan. Marxuumiintaas dhammaantood Allaha u naxariisto, cidina taariikhdooda ma bedelikarto. Balse, waxaad oggaatiin in fikirkii ahaa xoog-ku-maquuninta shacuubta  uu haatan gabaabsi ka yahay Afrika inteeda badan.

Xukunkii Milateriga waxaa hadda bedelay Dastuur kmg ah, iyo nidaamyo ku salaysan federaalism iyo dimuqaraadhiyad.Intuba waxay ku yimaadeen wada tashi baahsan.

Degmada Dayniile dalka ayey ka mid tahay, dadse ma wada laha. Cidi ma duudsiin karto Murusade dhulkiisa. Degmada Dayniile laguma boobikaro isu dawladeyn iyo dib u soo nooleyn xerooyinkii uu shacabku horay uga dagaalamay. Haddii aad tihiin xildhibaano, ma jirto cid idiin wakiilatay in aad:

  1. Dayniile cid kale u hibeysaan;
  2. dalaal lagama noqonkaro masiirka shacabka Murusade;
  3. Talada aayatiinkooda iyaga ayaa iska leh. Waxba looma yeerin karo, waxaysan rabin laguma jajuubi karo.

Xildhibaano, waxaan idinku waanineynaa in aad joojisaan kana hortagtaan falalka berito u abuuri karo caqabado siyaasadeed Dawladda Madaxweyne M. C. Farmaajo iyo R/W X. C. Kheyre ay hoggaamiyaan. Shaki kuma jiro in Murusade uu u heelan yahay Nabad waarta iyo Caddaalad bulshadeed loo wada siman yahay.

Xildhibaano inta aadan ku xiiqina degmada Dayniile, meel ma noogu sheegi kartaan, “Degmadii Wardhiigley, Ceelbuur, Galhareeri, Deri, Wabxo, Jacar, Bargaan, iwm. Iyo dhulka ku maqan Shabeelada Hoose?

Xildhibaano, sidii aad Cadaado uga timaadeen, marna ma soo hadal qaadeen dhulka Murusade ka dego Galgaduud ee ku jira gacanta Al-shabaab? Dayniile ma doolshaa inta kale ma daamur iyo dhagax dixeedaa?

Shacabka Murusade meel kasta ay joogaan waxaan ku baraarujinaynaa in ay sharafkooda, dhaxalkooda iyo sharcigaba ilaaliyaan.

Qore :Abdirahman M Hussein

London-Uk
Allbanaadir11@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -