Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta labo ajande oo Xasaasi ah ka doodaya

Waxaa saakay lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshaan Xildhibaanada golaha shacabka, kulankan ayaana Xildhibaanada uga doodi doonaan labo ajande oo horyaala.

Kulanka Xildhibaanada ayaa la sheegay in maanta looga doodayo kadibna cod u qaadaan ajandayaasha wax ka badelka Sharciga Hanti dhawraha guud ee Qaranka Iyo Xeer Maamul Bankiga dhexe.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku kala aragti duwan labada ajandi ee maanta kulanka horyaala gaar ahaan Xeerka Maamulka Bangiga Dhaxe oo la doonayo in wax ka bedel lagu sameeyo si ruux ajnabi ah madax uga noqdo Bangiga Dhaxe.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa shacabka Soomaaliyeed ka war dhoorayaan sida Xildbibaanada go’aanka uga gaari doonaan ajandaha muranka badan dhaliyay ee wax looga badalayo xeerka Bangiga Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -