(Sawirro) Tirada dadka ku dhintay duqeymaha Israel ka wado Gaza oo sii kordhaya

Dhimashada dadka ku naf waayey duqeymaha aan kaa joogsiga laheyn ee Qaza ayaa gaartay 11,240 qof

Tiradaasi waxay ka timid xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ayaa joojisay cusboonaysiinta tirada dhimashada usbuucan ka dib markii ay lumisay xiriirkii ay la lahayd isbitaallada muhiimka ah ee magaalada Gaza weerarrada Israa’iil awgeed.

70 boqolkiiba dadka ilaa hadda la dilay iyo kuwa dhaawacmay waa haween iyo carruur.

5,500 oo haween ah ayaa lagu wadaa inay umulaan bisha soo socota taasoo celcelisay ahaan u dhiganta in ka badan 180 dhalasho maalintii.

Shidaalka, dawooyinka, dhiiga iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah isbitaalada ayaa gabaabsi ah.

Laba baabuur oo ah kuwa Caafimaadka Taranka ee Hay’adaha ka dhexeeya ayaa yimid Gaza oo ay ku jiraan kuwa dhalidda nadiifka ah iyo sahayda iyo qalabka daryeelka degdegga ah ee umusha, oo ay ku jiraan suuxinta iyo sahayda qalliinka dhalmada.

Ilaa 238 weerar oo ka dhan ah daryeelka caafimaadka ayaa laga soo sheegay dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta tan iyo bilowgii dagaalka, waxaana ku dhintay 517 qof, sida ay sheegtay WHO.

Diblumaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay kaddib shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ku yeesheen Brussels.

Midowga Yurub wuxuu ku baaqayaa “joojin degdeg ah iyo marino bini’aadantinimo in la sameeyo si loo wajaho xaalada xun ee dadka Gaza”.

- Advertisement -