Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSWORLD NEWS

Ciidamo ka tirsan Ilaalada Villa Somalia oo dayuurado lagu geeyey Baydhabo (Sawirro)

Qeybihii ugu horeeyay ciidamada ilaalada Madaxtooyada Somalia ayaa gaaray maanta magaalada Baydhaba, iyadoo dayuurad looga qaaday magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay in magaalada Baydhabo loo geeyay sababo la xiriira xaaladda amniga magaalada oo la filayo inuu tago Madaxweyne Maxamed C/llaahi Famaajo oo ka qeyb galaya caleemo-saarka Madaxweynaha ku soo baxay doorashadii muranka badan hareeyay ee K/Galbeed.

Waxa magaalada Baydhaba hore ugu sugnaa ciidamada booliska ee gaarka ah oo Muqdisho laga diray, waxaana lagu kordhiyey ciidamada madaxtooyada si amniga Madaxweynaha ay u sugaan maalinta uu joogo magaalada Baydhaba.

16ka bishan oo ku began Arbacada soo socota ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo lagu qabto xaflada caleemo saarka Madaxweynaha koonfur galbeed Somalia C/casiis Laftareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney in ka badan 40- sanno u taagneyd korinta Carruurta Agoomada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kheyre oo Ganacsato kula kulmay magaalada Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xarumo Ganacsi ay lahaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maanta la boobay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---