Maayar gaarigiisa laga helay 200kg oo daroogo ah oo Malaayiin dollar lagu qiimeeyay

Maayar maxalli ah iyo darawalkiisa ayaa lagu xiray saxaraha waqooyiga Niger iyagoo gaarigooda ku sita in ka badan 200kg oo daroogada Cocaine-ta ah, booliska ayaa sidaasi sheegay.

Labada qof ee laga shakisan yahay, oo aanan magacooda la shaacin, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay daroogada u safrinayeen waddanka Liibiya kaddib markii si koontarabaan ah dalka loogaga soo galiyay dhanka waddanka Mali.

Hay’adda Niger u qaabilsan siyaasadaha daroogada ayaa sheegtay in daroogada la qabtay ay tahay middii ugu waynayd ee Cocaine ah oo lagu qabto dal ku yaal Galbeedka Afrika.

Daroogada sida sharci-darrada ah la isugu kala gudbiyo iyo booliska oo gacanta ku dhiga ayaa caadi ka noqonaya gobolka.

Xafiiska Dhexe ee Niger u qaabilsan xakamaynta ka ganacsiga daroogada ee loo soo gaabiyo (OCRTIS) ayaa Arbacadii sheegay in boolisku ay ka war hayeen in xaddi ballaaran oo cocaine ah dalka lagu dhex safrinayo loona wado waddanka Liibiya, ayna dhaqdhaqaaqa la socdeen.

“[Baaritaanka] ayaa waxa uu horseeday in 2-dii Janaayo la qabto 199 xirmo oo cocaine ah – oo isugayntoogu tahay 214kg – taas oo lagu waday gaari uu leeyahay xafiiska maayirka Fachi,” haweeneyda afhayeenka u ah OCRTIS, Nana Aichatou Ousmane Bako ayaa sidaasi sheegtay.

Gaariga ayaa ka baxay Fachi waxa uuna ku sii jeeday waddanka Liibiya isagoo sii marayay magaalada Dirkou markii Axaddii la joojiyay.

“Waa markii ugu horraysay oo dalkayaga uu qabto xaddi ballaaran oo cocaine ah,” Ms Bako ayaa sidaasi tiri, waxaana ay intaasi ku dartay in daroogada loo waday Yurub, halkaas oo ay ku qiyaaseen in waddooyinka ay ka joogto qiyaastii $19m (£14m).

Maayirka iyo darawalkiisa ayaa waxaa loo qaaday caasimadda Niger ee Niamey, si halkaas su’aalo loogu waydiiyo.

Fachi oo deegaan la bacrimiyay oo ku yaal lama dagaanka Tenere oo qiyaastii 400km (250 mayl) ayey waqooyiga ka xigtaa magaalada Agadez. Waxaa lagu yaqaan inay tahay xarunta ganacsiga ee cusbada iyo timirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -