Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Weeraro dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay degaano hoos taga Boosaaso

Askari ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qarxday miino dhuka lagu aasay xili ay hawlgal socod ah ku marayeen Toga Bali-khadar oo cirifka ku haya Buuralayda Galgala.

Dhaawaca iyo askariga dhintay maydkiisa ayaa la keenay Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, gaari safar ah oo ka tagay magaalada Boosaaso, kuna socday dhulka ka baxsan laamiga Gobolka Bari ayaa koox hubaysani weerar ku qaaday salaaddi maqrib ka dib, xili uu marayey dalcadaha meerka oo magaalada Boosaso u jirta 55KM.

Dhaawacyo iyo dhimasho ayaa ka dhashay weerarkaas dadka shacabka ah loo gaystay sida wararku sheegayaan, inkasta oo aan tirakoob dhab ah laga hayn, iyadoo  Maamulka Puntland uusan weli wax war ah ka soo saarin dhacdooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gobol Cusub oo lagu soo kordhiyay gobolada maamulka Puntland (Akhriso)

Cabdi Cade

Kumaandoska Danab oo 17 dagaalyahan ka dilay Duleedka degmada Bu’aale (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Xassan Shiikh oo Shirka tamarta Afrika ku soo bandhigay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---