C/kariin Guuleed oo ka hadlay doorashada Galmudug, hambalyona u diray Qoor-qoor

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maanta xilkaas loogu doortay magaalada Dhuusamareeb.

“Hambalyo Madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo qoraalkan soo dhigay bartiisa facebook.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hadalo dardaaran ah u jeediyey hogaanka cusub ee Galmudug.

“Waxaan rajeynayaa in hogaanka cusub ee Galmudug uu ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug” ayuu yiri Cabdikariin Guled

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa ku soo baxay Wareegii 1-aad ee Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxaana uu helay 66 Cod oo ka mid ah codadkii ay dhiibteen 77 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -