Maamulka Gobolka Banaadir oo amar ka soo saaray deeqaha loo ururiyey dhaawacyada

Warsaxaafadeed

Guddiga Gurmadka G/Banaadir ee Qaraxyadii zoobe 2 ayaa maanta shirkoodii shaqo ku yeeshay xarunta Gurmadka G/Banaadir. Guddiga ayaa ka iska wareestay arrimaha xiriirnta hawlaha iyo dar dargalintooda gar-gaarka dadkii ku dhibaatoobay qaraxyadii Zoobe2. Waxaa uu guddiga ku bogaadiyay dhammaan maamulada degmooyinka iyo deegaanada Gobolka dadka kaalmada ay muujiyeen waxa uuna ku booriyay in ay sii wadaan gurmadka iyo abaabulka loogu gar gaarayo ehaladii ku waxyeeloobay weerarkii argagaxisada ee Isgooyska Zoobe.

Maamulka G/Banaadir oo ah hey’adda dawladeed ee mas’uuliyadda koowaad ka saarantahay hagidda iyo jihaynta hawlaha gurmadka, waxa uu meel gabo gabo ah marsiinayaa xog aruurinta la xiriirta khasaaraha nafeed iyo tan hantiyadeed ee ka dhasahay weerarkii 29 ka bisha dhacay. Warbixintaasi oo la soo marsiin doono dhammaan habraacyada xaqiijinta iyo hubinta si ay u noqoto mid go’aano lagu qaadan karo.

Maamulka G/Banaadir waxa uu dhinaca kale ku baaqayaa in dhammaan hey’adaha dawladda iyo dadka sida gaarka ah isku abaabulay ee aruuriyay deeqaaha kala duwan ee gurmadka in ay si deg deg ah dadka ku jira Isbitaalada iyo qooysaskii eheladooda ku dhinteen ay la gaaraan si looga fogaado dib u dhac iyo in gargaarka uusan gaarin dadkii u baahan wqtiga ay ugu baahida badanyihiin.

Maamulka G/Banaadir waxa uu si weeyn ugu mahadnaqayaa dhammaan dawladaha caalamka, hey’adaha kala duwan ee Dawladda iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed dalka iyo dibadda gurmadka is daba jooga ay u fidinayaan shacabkii ku waxyeeloobay qaraxyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -