Qorshihii Horumarinta Qaranka oo qarka u saaran in uu Bur buro iyo sababta ka dambeysa.

Mudda dheer uu dalka ka shaqeeynayay barnaamijka New deal, dowladdi uu Madaxweynaha u ahaa Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ku guuleeysatay sameynta Qorshaha Horumrunta Qaranka oo ay ugu danbeeysay 1986.

Dib usoo nooleynta Qorshahii Horumarinta  Qaranka waxaa dadaal badan ku bixiyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga  Abdiraxmaan Aynte iyo shaqaalaha wasaaradda, waxa ayna ugu dambeyn ku guuleesteen iney ku qanciyaan deeq bixiyaasha iyo saaxiibada Soomaliya in ay muhiim tahay in dalka Soomaaliya loo sameeyo qorsha horumarineed oo kooban mudda 3 sano ah laga bilaabo 2016 ilaa 2019.

Iyadoo shaqadu meel wanaagsan mareyso ayaa waxaa dhacay doorashadi Madaxtinimada dalka oo ay ka dhalatay xukuumada cusub ee talada heeysa.

Haddaba qorshihi Horuumarinta Qaranku xagee ku danbeeyaay? Deeq bixiyaasha iyo sxbada Soomaliya sidee ula muuqataa?. 

Shirki ugu danbeeyay ee SDRF kaa oo ah shir ay iskugu yimaadaan  deeq bixiyaasha, dowlad Goboledyada  iyo Dowladda Somaliya oo uu shir gudoomiyo xafiiska Reysulwasaraha ayaa Beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha sida USA, UK, EU, China, Italy, UNDP iyo inta badan deeq bixiyaasha ay ka kooban 32 Hey’ado iyo Dowladood ay cabasha kadhan ah Wasaaradda Qorsheynta u gudbiyeen Reysulwasaara ku xigeenka iyagoo ku wargeliyay, in hadii aanan shaqa degdeg ah ama taalaba deg deg ah laqaadin ay dib ugu noqon doonaan kuna shaqeeyn doonaan Mashruuci New dealka oo ahaa mid aanan Soomalidu maamulin, fikirkiisana laheyn tasoo dhib weyn ku aheyd dowladnimada Soomaliya maadama hey’adaha iyo NGO-yada la soo marin jirin dhaqaalaha iyo mashaariicda loogu talagalay dalka Soomaaliya dowaldduna aynan wax go’aan ah ku lahaan jirin.

Guud ahaan arrimaha horumarinta iyo mashaariicda oo ay sal u tahay Qorshaha Horumarinta Qaranku tasoo beesha caalamka iyo deeq bixiyaashuba u sheegeen madaxda qaranka in QHQ qarka u saaranyahay inuu burburo sababa laxiriira wada shaqeeyn xumo u dhaxeeysa Wasaaradda qorsheynta, deeq bixiyaasha iyo maamul goboleeyada dalka  waxayna  sheegeen ineey sabab u tahay arrimaha soo socdo:

1. Hakad ku yimid xiriirka u dhaxeeya deeq bixiyaasha iyo Wasaaradda Qorsheynta oo waajibaadkeedu ahaa kamira dhalinta QHQ kadib marka ay meesha ka baxeen dadki khibradda iyo xirfadda u lahaa horana u sameeyay QHQ.

2. Xoghayaha joogtada ah iyo Agaasimaha guud ee Agaasinka qorsheeynta oo u diro  shirarka looga hadlo Tiirarka uu ka koobanyahay Qorshaha Horumarinta Qaranka (pillar working Group), dad aanan wax xog  iyo aqoon ah ka heeysan, shaqaala cusub oo aanan xirfad u laheyn fikirna ka heeysan QHQ iyagoo meesha ka saaray Shaqaalihi Wasaaradda u qaabishanaa shirarkaas inti kaga guda jray sameeynta QHQ, arrintaas oo keentay isfaham la’aan iyo wada shaqeyn xumo.

3. Wasiirka oo aad uga mashquulay ka qeybgalka shirarka dhexmara Dowladda iyo Deeq bixiyaasha tasoo keentay in shaqaaalaha Wasaaraddu ka gaabiyeen shaqada ugu muhiimsan ee qaranka.

4. Agaasimaha qorsheynta iyo Xoghaya joogtada oo inta badan dalka ka maqan kuna mashquulsan ka qeyb galka siminaaro aanan macna weyn ugu fadhin Wasaaradda iyo guud ahaan Dowladda.

5. Emailada iyo warbixinada la xiriira QHQ oo aanan sidi la rabay looga jawaabin looguna war celin deeq bixiyaasha. Waxaa ugu danbeeyay email loo diray Agaasimaha Guud ee qorsheynta dabayaaqadi sanadki tagay isagoo u sheegay Deeq bixiyaasha iyo hey’adaha kalaba in aysan Wasaaraddu waqti helin karin kahor bisha March, 2018.

6. Xoghayaha joogtada ah oo aanan  xiriir wanaagsan kala dhaxeyn dhamaan Hey’adaha dowladda, Maamul goboleedyada, deeq bixiyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda.

7. Wada shaqeyn xuma ka dhex jirta Dowlad goboleedyada iyo Wasaaradda qorsheynta.

Waxaa jira Gola ay ku mideeysan yihiin dowlad goboleedyada iyo Wasaaradda Qorsheynta (National Development Council, NDC) shirkaan waxaa looga hadlaa arrimaha la xiriira QHQ balse waayadi danbe waxaa ka dhex jiray Mad madoow la xiriira shaqada iyo guud ahaan fulinta QHQ.

Waxaa intaas sii dheer in Xoghayaha joogtada ah iyo Agaasimaha guud ee Agaasinka qorsheyntu ku mashquul sanyihiin qaabkii ay uga mid noqon lahaayeen dadka ku soo baxa Shaqada  Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyagoo horay usoo dayacay shaqadi Wasaaaradda.

Xukuumada Soomaaliya hadii aysan qaadin talaabooyin deg deg ah waxa asuurto gal ah in meesha ka baxo Barnaamijka Horumarinta Qorshaha Qaranka oo ah mid Faa’iido badan ugu jirto dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -