Madaxweyne Trump oo ka xumaaday in Hillary Clinton Akhriso Buuga Fire and Furry (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa la sheegay in uu ka xumaaday in Hillary Clinton uu kaga guuleestay doorashadii dhacday ay akhriso buuga Fire and Furry ee isaga laga qorey .

Waxaa lasoo bandhigay Muuqaal laga duubay dad caan ah ay ku jirto Hillary Clinton oo aqrinaya buuga lagu duray waxna looga sheegayo Maskaxda iyo dhaqamada Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump.

Wiil uu dhalay Madaxweynaha dalka Mareykanka oo isna ka hadlay muuqaalkan ayaa sheegay in uu yahay tilaabo aan fiicneyn, waxa uuna ku tilmaamay buuga aabihiis laga qoray mid been abuur ah.

Hillary Clinton ayaa lasoo bandhigay iyada oo aqrineysa qeyb kamid ah buuga laga qoray Trump gaar ahaan tuduc oronaya ””waxa uu qabaa cabsi ah in la sumeeyo, taasna waa sababta uu wax uga cuno maqaayadda McDonalds, halkaas oo aysan ka warhaynin in uu tagayo, raashiinkana si fiican loosii diyaariyay”.

Buuga Fire and Furry ee laga qoray Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa lagu soo bandhigay arimo dad badan ka qarsoonaa, waxaana buugan si weyn uga carooday Donald Trump oo ku tilmaamay waxa laga qoray in been yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -