Ninka ugu taajirsan caalamka oo kala bar hantidiisa weynaya & Sababta ka dambeysa

Madaxa Shirkadda qalabka Elektarooniga ee Amazon iyo xaaskiisa MacKenzie ayaa is furaya ka dib markii ay qoys wada ahaayeen muddo 25 sano ah.

Arintan ayaa ka dhigan in hantida Bezos oo gaareysa $137 bilyan kala bar la siin doono xaaskiisa ay kala tagayaan MacKenzie taasoo ka dhigeysa iney noqoto haweeneyda dunida ugu taajirsan.

Lamaanahan ayaa warka ku saabsan furriinkooda ugu dhawaaqay bayaan ay si wada jir ah Arbacadii u soo dhigeen barta Twiter-ka.

“Ka dib wakhti dheer oo ay naga dhex jirtay isfaham darro, isla markaana aan marar badan isku daynay inaan kala tagno, waxaan hadda go’aansannay inaan is furno, nolosheennana aan sii wadanno annagoo saaxiibo ah”, ayey lamaanaha ku yiraahdeen bayaankooda.

Amazon oo la aasasay 25 sano ka hor ayaa isbuucan dhaqaale ahaan ka hor martay shirkadda Microsoft, waxayna noqotay shirkadda xilligan ugu qiimaha badan guud ahaan dunida.

Mr Bezos oo u dhashay dalka Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa leh 4 carruur ah oo isugu jira 3 wiil oo ay dhaleen iyo 1 gabar oo ay soo korsadeen.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa soo tabisay in Mr Bezos uu xiriir khaas ah la sameeyay haweeney horay wariye uga ahaan jitay telefishinka Fox TV, taasoo lagu magacaabo Lauren Sánchez.

Mr Bezos, oo 54 sano jir ah, oo aasaasay Amazon ayaa loo aqoonsan yahay inuu noqday qofka ugu maalqabeensan caalamka, sida laga soo xigtay shirkad qiimeysa hantida shakhsiyaadka bilyaneerrada ah ee dunida, oo lagu magacaabo Bloomberg Billionaire Index.

Waxay hantidiisa gaareysaa lacag lagu qiyaasay $137 bilyan oo doolar, isagoo ilaa $45 bilyan oo doolar ka sarreeya hantida uu heysto maal qabeenka caanka ah ee la yiraahdo Bill Gates.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -