Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil lagu soo tababaray Turkiga oo dib ugu soo laabtay dalka (Daawo Sawirro)

Ku dhowaad boqol saraakiil iyo saraakiil xigeeno dalka Turkiga lagu soo tababaray ayaa Muqdisho dib ugu soo laabtay maanta.

Saraakiishan oo la socday dayuurad gaar ah oo ay leeyihiin milateriga Turkiga ayaa waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyey Wasiirka gaashaandhiga Somalia iyo masuuliyiin kale.

Waxaa naga go’an dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida ee somalia, waxaana u mahadcelinayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisal Wasaare kheyre sida Wasaaradda gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga ay ugu garab taagan yihiin dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo awood leh sidii dalka uu u yeelan lahaa” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga Somalia.

Dowlada Turkiga saaxiib dhow la ah Somalia ayaa sidoo kale duleedka Muqdisho ku leh saldhig milateri oo lagu tababaro ciidamada dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

IMF oo ku hanjabtay in aysan bixin doonin mushaarka ciidanka dowlada hadii doorashada …

Cabdi Cade

Xogta xirmooyinka Shidaalka halka uu ka baarayo Markabka Oruc Reis

Cabdi Cade

Jeneraal Al-Burhaan oo Digniin culus u diray Mucaaradka iyo taliska ciidanka RSF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---