Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe iyo Donald Yamamoto oo kulan Xasaasi ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.
 
Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.
Waxa ay sidoo kale kawada hadleen Axmed Madoobe iyo Ambassador Donald Yamamoto shirka looga hadlayo arimaha doorashada ee la filayo Dowlada federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada ku yeeshaan xarunta Xalane.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka looga hadlayo arimaha doorashada ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo wakiilo katirsan beesha caalamka iyo qaar kamid ah musharaxiinta Mucaaradka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarado dagaal oo duqeeyay xarumo Al Shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo xabsi dhigtay Sargaal saameyn badan ku lahaa Siyaasada Somalia

Cabdi Cade

Mogadisho Book Fair. Mahruuc Shisheeye mise bandhig Buugaag ?!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---