Maxaa ka soo kordhay Dabkii caawa qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha?

Dab xooggan oo caawa fiidnimadii qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa lagu guuleystay in la demiyo intiisa badan.

Goob-joogayaal suuqa ku sugan ayaa allbanaadir online u sheegay in xaalada suuqa ay hadda soo hagaageyso isla markaana dabkii caawa qabsaday xoogiisa la bakhtiyey, lagana hortagay inuu ku sii fido qeybaha kale ee suuqa.

Gaadiidka dab-demiska ee Maamulka gobolka Banaadir iyo kuwo kale oo ay leeyhihiin shirkadaha ganacsiga qaarkood ayaa dedaal badan ka dib ku guuleystay iney xakameeyaan dabka oo socday muddo dhowr saacadood ah.

Ciidamada amaanka iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada ayaa ku sugnaa suuqa Bakaaraha kuwaasoo dusha kala socday sida uu u socday gurmadka lagu deminayey dabkan.

Dabka ayaa gurmadka ka hor malafsaday khasaare xooggana gaarsiiyey qeybaha huudheyda, maacuunta iyo bacadlaha suuqa, waxaana halkaas ku gubtay hanti fara badan oo illaa hadda aan la ogeyn qiyaasteeda.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta rasmiga ah ee dabkan kicisay haddana warar qaarkood ayaa sheegaya inuu ka dhashay xargaha kortontada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -