Allbanaadir.com
NEWS

IMF oo ku hanjabtay in aysan bixin doonin mushaarka ciidanka dowlada hadii doorashada …

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa shaacisay in dib u dhaca doorashada Soomaaliya ay sababi karto in ay joojiyaan lacagaha ay ku taageeraan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa mushaar ahaan loo siiyo ciidanka dowladda.

Madaxa hay’adda  IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo, ayaa ka digtay dib u dhaca doorashada, waxa ayna xustay in ay joojin doonaan lacagaha mushaaraadka ciidanka iyo lacagaha kale ee dowlada ku taageeraan hadii doorashada sii daahdo.

Laura Jaramillo, ayaa sheegtay  in sababta u keentay welwelka ay tahay in 17ka May 2022 Xukuumadda Muqdisho laga doonayo in ay saxiixdo heshiisyo qabyo ah oo kala dhaxeeya IMF balse haddii daaha Doorashada uu dheeraado uu sii kordhayo walaaca ay qabaan.

“Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran, “Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta” ayey tiri Laura Jaramillo,.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka dib dhacday muddo sanad ka badan, walina doorashada ayaa u muuqata mid sii jiitameysa oo mar kale dhaafeysa xilligii ay ku heshiiyeen gollaha wadatashiga Qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=s6n9zI19XO8

Related posts

Maxaa ka run ah Wararka sheegaya in Deni uu ka hor yimid qorshaha Musharaxiinta?

Caydiid Ali

Itoobiya oo ka carootay hadal uu jeediyey safiirka Mareykanka ee Addis Ababa

Caydiid Ali

Tirada shacabka ku dhintay dagaalka 10ka sano ka socda Siiriya oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---