Madaxweyne Deni oo ka hadlay Aragtidiisa Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo Wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa kaga hadlay arimo badan ay kamid yihiin muranka kala dhaxeeya Soomaaliland iyo sida uu u arko golaha Iskaashiga dowlada goboleedyada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in maamulka dariska la ah Soomaalilnad ay kusoo xadgudbeen kuna soo gardoodeen deegaanada Puntland, waxa uuna ugu baaqay in ay dib uga baxdo dhulka Puntland ay ka heestaan.

Wareysiga lala yeeshay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa lagu weediiyay su’aal aheyd sida uu u arko golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dastuurka u qoran uu dhigayo in maamul goboleedyada iskaashadaan, waxa uuna xusay in uu ku dhaqmayo waxa ku qoran dastuurka u degsan maamulkiisa Puntland.

”Dastuurka ayaa dhigaya in Maamul Goboleedyada ay iskaashadaan wixii danahooda kadhaxeeya. in la iskaashadana ma ahan wax dastuurka kasoo horjeeda”.Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wax laaluush ah uusan ku bixin doorashadi uu ku guleestay, waxa uuna xusay ololihii uu sameeyay intii uu tartanka ku jiray ay ahaayeen kuwa Xalaal ah.

Hadalka Madaxweynaha cusub ee Puntland kasoo yeeray ayaan wali kala cadeyn go’aanka uu ka qaadanayo maamulkiisa golaha Iskaashiga dowlada goboleedyada oo hada u muuqda mid sii bur buraya kuna soo hareen sadexda maamul ee Jubbaland, Puntlad iyo Galmudug

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -