Allbanaadir.com
NEWS

Dabley hubeysan oo lamaane isla socday ku dilay Gaalkacyo

Dabley hubeysan ayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay lamaane wada socday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen Saciid Gunre Cali baar iyo xaaskiisa oo ka soo baxay Beerta Bilan ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo  saarnaa gaari ay wateen.

Goobta falku ka dhacay ayaa ah inta u dhaxeysa Beerta Bilan iyo Kaamka Tawakal ee duleedka magaalada Gaalkacyo qeybta uu ka taliyo maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee labadii ruux ee saarna gaariga ayaa halkaas ku nafwaayey. Ma cadda illaa hadda sababta keentay weerarkan ay ku naf waayeen labada ruux, waxaase loo  malaynayaa inuu salka ku hayo dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka.

Related posts

Ruushka oo taliye cusub u magacaabay ciidankooda ku duullay Dalka Ukraine

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Kulan muhiim ah la qaatay Bulshada ku dhaqan Guriceel (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo beenisay War uu sheegay Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---