Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo hor leh aadna u hubeesan oo la geeyay Galgaduud iyo Wararkii u Dambeeyay

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa wali lagu sii daabulayaa deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud, oo dhawwaan la filayo in uu ka bilowdo howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo aad u hubeesan oo ka baxay magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay ayaa gaaray degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer, halkaas oo hadda ka socdaan abaabul dagaal .

Ciidamadan ayaa la filayaa in qeyb ka noqdaan howlgalka wajiga labaad oo la filayo in dhawwaan si rasmi ah uga bilowdo bariga gobolka Galgaduud, waxaana ciidankan talis weyn hadda ka dhigteen degmada Galcad.

Taliyaha ciidanka lugta ee milatariga Soomaaliya Jeneraal Axmed Aadan ayaa abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaal kawada Galcad, waxa uuna taliyaha ciidanka ku war-galiyay in ay u diyaar garoobaan howlgal culus.

Howlgalkan la filayo ciidanka xoogga dalka in ay qaadaan ayaa la doonayaa in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanno badan oo hoostaga degmooyinkaasi oo ku jira gacanta kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen Shahaado KMG ah siiyay XildhibaanadII K/Galbeed lagu doortay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xubnihii ugu badnaa ee kasoo goostay Al Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo si kulul uga hadlay talaabadii uu qaaday danjiraha DF u fadhiya Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---