Allbanaadir.com
NEWS

Dib u dhac ku yimid keenista Meydka Gudoomiyihii Gobolka Banaadir

Waxaa goordhaw la shaaciyay in dib u dhac ku yimid keenista Meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo maanta la filayay in Muqdisho la keeno laguna aaso.

Guddiga qaban qaabada aaska Gudoomiyaha geeriyooday ayaa shaaciyay in dib u dhac ku yimid keenista Meydka marxuunka, waxa ayna sheegeen guddiga in beri la keeni doono lana aasi doono meydka Marxuum Yariisow.

Wali lama oga sababaha keenay dib u dhaca keenista meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir oo laga soo qaadayay dalka Qadar, waxaana maanta loo diyaar garoobay aas qaran oo loo sameyn lahaa Gudoomiyaha.

Masuuliyiin iyo dadweyne badan ayaa saakay ilaa hada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sugayay meydka Marxuum Eng Cabdiraxmaan Yariisow, waxaana masuuliyiinta iyo dadkii kalaba bilaabeen in ay dib uga laabtaan garoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Sare ee dalka oo go’aan cusub ka soo saartay doorashooyinka dalka

Caydiid Ali

UK: Wasiirad ka hor timid dibed baxyada lagu taageerayo Falastiin oo shaqada laga eryey

Caydiid Ali

Masjid Taariikhi ah oo kuyaala Muqdisho oo dib u dhis lagu sameenayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---