Baakado sun ka buuxaan oo loo kala diray Safaarado iyo Qunsuliyado kuyaala dalka …

Waxaa socda baaritaano adag oo lagu sameenayo baakado sun ka buuxaan oo loo kala diray safaarado iyo Qunsuliyado kala duwan oo ku kala yaal magaalooyinka Melbourne iyo Canberra ee dalka Australia.

War kasoo baxay booliiska dalka Australia ayaa lagu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan baakado lasoo geliyey sunta guryaha lagu dhiso ee loo yaqaan asbestos oo loo diray Safaarado iyo Qunsuliyado.

Baakadaha Sunta lagu shubay ayaa maanta gaaray Safaarado iyo Qunsuliyado kuyaala magaalooyinka Melbourne iyo Canberra, waxaana suntan la sheegay in ay sababi karaan cuduro halis ah uu ku jiro Kansarka.

Booliiska Australia ayaa sheegay in safaaradaha iyo Qunsuliyadaha baakadaha Sunta loo diray ay kamid yihiin KUWA Maraykanka, UK, Greece, Italy, Spain, Thailand, India, Japan, Pakistan, Egypt, Denmark, Switzerland iyo New Zealand.

Wali lama oga cida ka dambeesay baakadaha sumeysan ee loo diray Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha qaar kamid ah Wadamada Caalamka ku leeyihiin dalka Australia, waxaana socda baaritaano booliiska ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -