Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Axmed Madoobe iyo saraakiisha AMISOM? (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Taliska ciidanka AMISOM qaybta 2-aad ee ka howlgasha Jubbaland.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo saraakiisha AMISOM waxaa ka mid ah xoojinta wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM sida is waydaarsiga xogta al-shabaab

In degmada Afmadow laga furo xero lagu tababaro ciidanka Jubbaland ayaa qayb ka ahayd kulanka, iyadoo tababarkaasi ay bixin doonaan saraakiisha ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Hirshabelle oo yeelaneysa dekad iyo Garoon si casri ah loo dhisayo

Cabdi Cade

Xiritaanka shirka wadatashiga Qaran oo fashil ku dhow & Farmaajo oo dalacsiiyay Saraakiil Ciidan !!

Cabdi Cade

Xukuumada oo ka hadashay in ay ka laabaneyso Dacwada Badda ee Kenya kala dhaxeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---