Guddoomiye todobaad gudihiis loo magacaabay labo degmo oo xilka la wareegay (Sawirro

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Degmada Xamar jajab Mudane Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oranjo) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Ururada Bulshada iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar  Jajab Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed ayaa u mahadceliyay Maamulkii ay soo wada shaqeeyeen iyo shacabka degmada, isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo gudoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar jajab Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orenjo)  ayaa sheegay inuu la imaan doono waxqabad muuqda isagoo ka hadlay marxaladaha adag ay haweenka Soomaaliyeed ku shaqeeyeen.

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble, Wasiir ku-xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ee dowlada Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla iyo Xildhibaanad Samsam Daahir Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab inuu isbedelo horumarineed ku soo kordhiyo Degmada Xamarjajab.

Ismaaciil Orango oo ka tirsanaa shaqaalaha warbaahinta ku hadasha codka dowlada ayaa todobaad ka hor loo magacaabay gudoomiyaha degmada C/casiis ka dib wareegto ka soo baxday Xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir Ing. Yariisow.

Balse duqa Muqdisho ayaa fashil kala kulmay magacaabidan ka dib markii beesha uu ka soo jeedo gudoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada C/casiis ay cabasho u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo, iyagoo sheegay iney hal guddoomiye ku lahaayeen degmooyinka Xamar, isagiina xilka laga qaadayo.

Madaxweynaha ayaa ka dib Ing. Yariisow faray inuu ka laabto xilka ka qaadista uu ku sameeyey gudoomiyaha degmada C/casiis, taasoo keentay in la baabi’iyo wareegtadii lagu magacabay gudoomiyaha cusub ee degmada C/casiis, waxaana Ing. Yariisow uu soo saaray wareegto kale oo Ismaaciil Oranjo loogu magacaabay xilka degmada Xamar jajab oo banaanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -