Xukuumada oo ka hadashay in ay ka laabaneyso Dacwada Badda ee Kenya kala dhaxeeya

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay in dowlada Soomaaliya ay ka laabaneyso kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Dowlada Kenya xili la filayo in Maxkamada ICJ go’aan kasoo saarto.

Mahadi Guuleed oo ahaa masuulkii ugu sareeyay dowlada Soomaaliya ee hogaaminayay ergadii Soomaaliya ku mataleysay dhageysiga kiiska Dacwada badda ayaa cadeeyay in Maxkamada kiiskaasi go’aan rasmi ah kasoo saari doonto wadahadalna uusan jiri doonin.

“Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Warkan kasoo baxay Dowlada ayaa kusoo aadaya xili saacadihii lasoo dhaafay soo baxayeen warar sheegaya in  Soomaaliya iyo Kenya oo hada soo celiyay xiriirkooda kawada hadlayaan muranka badda ee labada dal u dhaxeeya ayna arintaasi fududeeneyso Qadar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -