Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Maamulka Puntland oo goordhaw la doortay

Waxaa goordhaw magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland lagu doortay Madaxweyne kuxigeenka cusub ee maamulka Puntland ay ku tartamayeen in ka badan  10-Musharax.

Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland ayaa gaartay wareega sadexaad, waxaana wareegii ugu dambeeyay ku guuleestay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo helay 47-cod halka Musharaxa uu ka guuleestay ee Cabdi Ibraahim Warsame isna helay 19-cod.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeenka talada maamulkaasi heyn doona 5-ta sano ee soo socota, waxaana doorashada maanta dhacday noqotay mid taariikhi ah.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo kuxigeenkiisa Cabdixakiin Camey ayaa labadaba guul daro xanuun badan kala kulmay doorashadii ay maanta ka qeyb galeen, waxaana maamulka cusub Puntland hogaamin doona wajiyo cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Soomaali iyo Caddaan isugu jira oo xalay howlgal culus ka fuliyey Tuulada Galaawar

Caydiid Ali

Taliye Firin oo la dallacsiiyay, xilli xilka laga qaadayo

Caydiid Ali

Hoggaanka Ahlu Sunna oo Dalab Xasaasi ah u gudbisay Madaxweyne Qoor Qoor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---