Labo Musharax oo sabab u ahaa in Saciid Deni uu noqdo Madaxweynaha Puntland !!

Magaalada Garawe ee caasimada Puntland waxaa maanta ka dhacday doorasho taariikhi ah oo si adag loogu tartamay, waxaana markii dambe guusha helay loona doortay Madaxweynaha 5-ta sano ee soo socota Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Garawe waxaa musharaxiinta kamid ahaa Madaweynihii Puntland Cabdiweli Gaasoo la saadaalinayay in mar kale guuleesto ama natiijo fiican ka helo codadka xildhibaanada wax dooranayay.

Cabdiweli Gaas iyo Musharaxiin kale oo la saadaaliyay in ay guuleesan karaan ayaa ku haray wareega koobaad ee doorashada, waxaana wareega labaad isugu soo haray sadex Musharax oon safka hore uga jirin in doorashada kusoo bixi karaan.

Wareegii koobaad Doorashada waxaa hogaaminayay Saciid Deni oo helay 20-cod halka uu kaalinta labaad galay Asad Cismaan Diyaano oo isna helay 17-cod, iyo Faarax Cali Shire oo helay 9 cod.

Musharaxiintii ku haray wareegii koobaad iyo wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa lakala saftay codadkoodana ugu shubay labada Musharax ee isugu soo hartay wareegii ugu dambeeyay doorashada.

Guusha uu doorashada Madaxweynaha Puntland ka gaaray Saciid Deni ayaa la rumeesan yahay in sabab u ahaayeen labada Musharax ee Cabdiweli Gaas iyo Faarax Cali Shire oo codadkii ay ka heleen Xildhibaanada ku wareejiyay dhinaca Saciid Dani.

Cabdiweli Gaas 8-dii cod uu ka helay doorashada iyo Faarax Cali Shire wareegii labaad codadka uu ka helay doorashada oo gaarayay 7- cod ayaa Saciid Deni u sahashay guusha , waxaana 20-kii cod uu heestay ugu darsamay 15-ka cod uu ka helay labada Musharax.

Musharaxiinta kale ee Doorashada ka haray Sida Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa iyaguna codadkii ay doorashada ka heleen ugu shubay Musharax Asad Cismaan Diyaano oo wareegii ugu dambeeyay looga guuleestay 4-cod kaliya.

Doorashada Madxaweynaha Puntland ee maanta dhacday ayaa lagu tilmaami karaa in ay aheyd tii ugu xiisaha iyo xamaasada badneyn ee sanadahan ka dhacda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa isbaheysi la sameestay Musharax Siciid Deni si aysan doorashada ugu guuleesan Musharaxa taageerada ka helayay Madxatooyada Soomaaliya ee Asad Diyaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -