Xiliga la qabanayo doorashada Kursigii Xildhibaanimo ee uu waayay Sambaloolshe oo la shaaciyey

Doorashada Kursiga xildhibaanimo ee uu waayay C/llaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa ka dhaceysa maalmaha soo socda Magaalada Jowhar.

Kursigan ayaa taliye Sambaloolshe waxa waayay ka dib markii uu noqday taliyaha ciidanka Nabad-Sugida, isagoo ka mid ah musharaxiinta mar kale u tartamaya.

Guddiga doorashooyinka Qaran ayaa horay u soo bandhigay shuruudaha looga baahan yahay Shaqsiga u tartamaya Xubinta xildhibaanimo oo ay u tartami doonaan dad ka soo jeeda Beesha Xawaadle gaar ahaan jufada Cali Madaxweyne.

Lix musharax ayaa ku tartami doona kuwaasoo isdiiwaan geliyay isla markaana buuxiyay Shuruudihii laga rabay sidoo kalena bixiyay lacagtii isdiiwaan gelinta oo aheyd shan kun oo dollar ($5,000) oo raga ah iyo haweenka oo laga rabo ($2,500).

Musharaxiinta ugu cad cad ee kursigaan ku tartami doona ayaa waxaa ka mid ah Sambaloolshe oo loolan adag kala kulmaya musharaxiin kale oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Daahir Cabdulle Cawaale oo ka mid ahaa musharixiintii la tartamay Madaxweyne Waare iyo xubno kale.

Magacyada xubnaha u tartamaya kursigan ayaa waxay kala yihiin.

1: Cali Cabdullaahi Cosoble

2: Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe

3: Nuur Iidow Beyle

4: Xuseen Axmed Geelle

5: Dahabo Xasan Axmed

6:Dahir Cabdulle Cawaale

Doorashadan ayaa ah mid aad xamaasad badan oo si weyn isha loogu hayo, waxaana magaalada Jowhar ku sugan  dhamaan ergooyinka ka qeyb galaya doorashada iyo guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana la filayaa in la qabo beri oo Sabti ah ama Axada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -