Dab Dad badan dilay oo qabsaday Isbitaalka Magaalada Miryang (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku geeriyootay 80 kalana way ku dhaawacmeen dab xooggan oo saaka ka kacay Isbitaal ku yaalla Magaalada Miryang ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Shaqaalaha dab damiska iyo kuwa gurmadka masiibooyinka ayaa la tacaalayaan dabkaasi oo aad u xoog badan, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha dhimashada iyo dhaawacu ay sii kordhaan.

Madaxa waaxda dab damiska ee Koonfur Kuuriya Choi Man-Woo ayaa sheegay in laba ka mid ah kalkaaliyayaasha Isbitaalka ay arkeen Dabka oo si lama filaan ah u qarxiyay qolka xaaladaha deg-degga ah, isagoo ka dibna ku baahan qeybaha kale ee isbitaalka.

Waxaa uu intaa ku daray in haatan ay wadaan dedaal ku aaddan sidii xaaladda loo xakamayn lahaa.

Dabkani ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaasi ka kaca muddo 15 sano ah, sida laga soo xigtay aqalka Madaxtooyada dalka Koonfur Kuuriya ee loo yaqaano Blue House-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -