Raisul Wasaare Johnson oo caawa loola cararay Isbitaal ku yaalla London

Ra’iisal Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa caawa la dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada London si baaritaan loogu sameeyo calaamaha joogtada ah ee Coronavirus.

Ra’iisal wasaaraha ayaa 10 maalood ka hor laga helay Cudurkaas, waxuuna u muuqdaa nin waqti kasta xaaladiisu sii xumaanayso.

Waxaa la sugayaa laba arrimood midkood oo ah in cisbitaalka lagu sii hayo iyo in dib loogu celiyo hoygiisa, waxaana saraakiisha caafimaadku sheegeen in raisul wasaaruhu xaaladiisa ay ka soo reyn waysey sidaas awgeedna loo dhigay isbitaalka.

Boris Johnson ayaa muddo 10 cisho isku karantiilay xafiiskiisa ka dib markii laga helay Coronavirus, waxaana xaaladiisa si dhow ula socday dhaqaatiirta oo caawa go’aansaday in isbitaalka la dhigo.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -