Khayre oo Magaalada Davos kula kulmay Justin Trudeau & Paul Kagame (Daawo Sawirro)

Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau.

Masuuliyiintan ayaa isku arkay Munaasabad casho aheyd oo loo sameeyay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka dhaqaalaha Adduunka ee ka socda Davos, iyagoo yeeshay wadahadal kooban.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu raisul wasaare Khayre ku sheegay in kulanka uu la qaatay dhigiisa Canada ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoii Canada dowlada Somalia uga taageeri laheyd dhinacyo badan.

Sidoo kale, Khayre ayaa magaalada Davos kujlan kulmay madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame, iyagoo ka wada hadlay arrimha geeska Afrika iyo xiriirka labada dal.

Raisul wasaare Khayre oo ka qeyb galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka socda Davos ayaa halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa shirkaas ee caalamka ka yimid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -