Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa Dhagax dhigay dib u dhiska waddada laamiga ah ee isku xirta degmada Guriceel iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Dhismaha waddadan oo ah mid muhiim ah ayaa la sheegay in lagu dhisayo iskaashiga maamulka Galmudug iyo shacabka Galmudug, waxaana dhismaha waddadan si weyn usoo dhaweeyay bulshada degan magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb..
Madaxweyne Qooqoor ,ayaa tilmaamay shaqada dib u dhiska waddadu ay ku billaabaneyso sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana maamulka ay diyaarisay qalabkii lagu dhisi lahaa, iyadoo u kaashan doonta dhismaha waddada guud ahaan bulshada Galmudug.
Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb oo muddo sanado ah burbursanaa, ayaa sidoo kale waxaa hadda ku socda dib u dhis , waxaana deegaannada Galmudug gaar ahaan caasimadda maamulka xilligan ka muuqda isbeddel weyn.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com