Xarumaha Musharaxiinta oo caawa aan laga seexan doonin iyo kulamo adag oo socda

Iyadoo wax ka yar 24 saac ay ka harsan tahay xiliga loo asteeyey in la qabto doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa musharaxiinta u taagan xilkaas waxay caawa magaalada Muqdisho ka wadaan ololihii ugu dambeeyey ee doorashada.

Musharaxiinta ayaa xarumaha iyo hotelada ay degan yihiin waxay kulamo adag kula leeyihiin qaar ka mid ah xildhibaanada si ay u kasbadaan uguna qanciyaan codadkooda iney siiyaan, iyagoo dhinaca kale u sameynaya balanqaadyo haddii ay ku soo baxaan xilka madaxweynaha dalka, waxaana caawa xarumahaas ay yihiin meelo aan laga seexan doonin.

Sidoo kale qaar ka mid ah wadooyinka magaalada ayaa waxaa lagu xardhay sawirada murashaxiinta oo aad u waaweyn waxaana lagu dhejiyey baalayaal gaar ah oo loo sameeyey kuwaasoo ay ku qoran yihiin ereyo lagu halku dheg u ah musharax walba laguna dalbanayo in codka la siiyo

Doorashada madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah oo taariikhdu tahay 15-ka May ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana u taagan 39 musharax inkastoo qaarkood ay ka hareen ka qeyb galka doorashada, lamana oga illaa hadda musharaxa ku guuleysan doona madaxweynaha Somalia hogaamin doona afarta sanadood ee soo socota.

 

- Advertisement -