Qarax goor dhow ka dhacay degmada Balcad iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax xooggan ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay meel ku dhow degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kaasoo daryankiisa laga maqlay gudaha degmadaas.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxan oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay oo meel fog laga hagayey lala beegsaday gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM.

Rasaas aan sidaa u badneyn ayaa la maqlay wax yar ka dib qaraxa oo ka dhacay inta u u dhexeysa tuulooyinka isgoys iyo Haan-sheekh oo hoos yimaada degmada Balcad.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan iyadoo ciidamada dowlada iyo ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM ay ku baxeen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxyada loo adeegsado miinooyina la aaso ee meelaha fog laga hago ayaa mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhow dhow, kuwaasoo inta badan lala beegsado gaadiidka ay wataan ciidamada dowlada iyo AMISOM.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -