Jeneraal Galaal oo sheegay in xiisad dagaal ay ka jirto magaalada Dhuusomareeb

Magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidanka dowlada federaalka ee dhawaan la wareegay magaaladaasi iyo ciidamo kale oo ka amar qaata kooxda Ahlu Sunna.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka milatariga Soomaaliya mudooyinkii dambana ku noolaa magaalada Guriceel ayaa sheegay in magaalada Dhuusomareeb ka jirto xiisad dagaal.

Waxa uu sheegay Jeneraalka in xiisada u dhaxeyso ciidamada Ahlu sunna iyo ciidamada dowlada dhawaan geesay Dhuusomareeb, waxa uuna labada dhinac ugu baaqay in xaalada dejiyaan kana baaqsadaan in dagaal dhaco.

Wareysi uu siiyay Idaacada BBC-da ayuu ku sheegay Jeneraal Galaal in kooxda Ahlu Sunna ka careesan tahay heshiisyadii lala galay qaarkood oon u fulin sidii loogu balamay, waxa uuna xusay in Dhuusomareeb ka jirto saan saan aan wanagasaneyn.

”Saan saan dagaal ayaa magaalada ka jira, qoladada wadaada ee horey magaalada u joogay iyo ciidanka dowlada geesay Dhuusomareeb ayaa is fahmi waa ka dhax jira, waxaana ka digayaa in halkaas dhibaato ka dhacdo” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Waxa uu sidoo kale sheegay Jeneraal Galaal in uu helay xog ku aadan in saraakiil iyo ciidamo horey uga tirsanaa Ahlu sunna oo saakay diyaarado loogu soo qaadi lahaa Muqdisho qaarkood diideen in ay baxaan dib ugu laabteen xeryahoodii.

”Waxaan maqlayay saraakiil iyo ciidamo Ahlu sunna kamid ahaa oo la doonayay in diyaaro loo saaro Xamar si tababar loo soo siiyo qaarkood diideen in ay baxaan dib ugu laabteen halkii ay joogeen” ayuu yiri Generaal Galaal.

Kooxda Ahlu Sunna oo lagala wareegay amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaan ku qanacsaneyn sida ay wax u wado dowlada federaalka Soomaaliya oo magaaladaasi ciidamo badan geysay, waxaana laga cabsi qabaa in kooxdaasi magaalada foodo ka kaciso.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo aad u badan iyo gaadiid gaashaaman geesay magaalada Dhusomareeb oo dhawana la filayo in ay ka dhacaan shirar dib u heshiisin iyo doorashada maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -