Allbanaadir.com
NEWS

Jilaaga Caanka ah ee Soomaalida u taqaan Cali Dheere oo dhaawac culus soo gaaray

Jilaaga caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya Amitabh Bachchan oo Soomaalida u taqaan Cali Dheere ayaa galay shil dhaawac uu kasoo gaaray, xilli uu ku guda jiray jilitaanka filim lagu magacaabo ‘Project K’ .

Cali Dheere ayaa sheegay in dhaawac kasoo gaaray feeraha xilli uu jilista filinka ku jiray, waxa uuna sheegay in dhaawaca soo gaaray sabab u noqday in uu joojiyo jilista filimkii uu qeybta ka ahaa.

“Waxaan ka qayb qaadanayay duubista filimka ‘Project K’ , waxa uu dhaawac iga soo gaaray feeraha ayaa dhaawacmay, taasi oo sababtay in la joojiyo duubista filimkan.” Hadda waxaan ku soo laabtay gurigaygii, meesha dhaawaca iga soo gaaray waxaa ku xiran faashad,” ayuu yiri Cali Dheere.

Jilaa caanka ah Cali Dheere ayaa sheegay in hadda dareemayo xanuun uuna dhibayo dhaq dhaqaaqa, waxa uuna sheegay in uu qaadan doono maalmo nasiino iyo daaweyn si uu dib ugu soo kabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo caawa lagu weeraray hoyga Gudoomiyaha degmo ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’iisul wasaare khayre oo ku wajahan magaalada Kismaayo Saacadaha soo socda..

admin

Mid ka mid ah taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir oo saaka la dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---