Xidig caan ah oo Sheegay in Madaxweyne Erdogan uu Maleegayo Shirqool Lagu Dilo !

Xidiga caanka ah Enes Kanter oo u dhashay dalka Turkiga kana tirsan kooxda horyaalka kubadda kolayga Maraykanka ee New York Knicks, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Turkiga uu maleegayo shirqool isaga lagu dilo.

Enes Kanter ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka haro safarka kooxdiisa ku tageyso magaalada London ee caasimada Britain, waxa uuna xusay in safarkan uga harayo cabsi uu ka qabo in ay dilaan kooxo uu adeegsanayo Madaxweyne Erdogan.

Waxa uu sheegay ciyaaryahanka in haddii uu u safro magaalada London ay naftiisa halis gelayso, isla markaana ay joogaan basaasiin diyaarsan oo uu soo diray madaxweyne Erdogan oo doonaya in ay dilaan.

Enes Kanter oo ah 26-sano jir ayaa aad u dhaleeceeya Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan, waxaana dowlada Turkiga sanadkii 2017-dii kala npoqotay ciyaaryahankan mucaaradka ah dhalashada dalkaasi.

Xidigan wacdaraha ka dhigaya Horyaalka kubada Kolayga dalka Mareykanka ayaa bishii May ee sannadkii 2017 lagu xiray waddanka Romania, waxaana xiligaasi lagu eedeeyay in uu u gafay Madaxweynaha Turkiga.

” Uma safrayo magaalada London oo kooxdeyda ku ciyaareyso , fursad la igu dili karo ayaa halkaas ka jirta, marka waa inaan joogo halkan (Maraykanka) si halista uga bad baado ” Ayuu yiri Enes Kanter

Dowlada Turkiga ayaa sanadkii hore xirtay aabaha dhalay xidigan mucaaradka ah oo bare ka ahaa Jaamacad kutaala dalka Turkiga, waxaana lagu eedeeyay aabaha Enes in xiriir la leeyahay kooxda dalka Turkiga laga mamnuucay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -