Golaha Amaanka oo Qoraal kasoo saaray Go’aankii dowlada Somalia ku ceyrisay Nicholas Haysom

Qoraaal ay shalay soo saareen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aankii dowlada federaalka Soomaaliya ku ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya  Nicholas Haysom.

Wakiilka Joogtadda ee Dowladda Shiinaha u matala Golaha amaanka ayaa codsaday waqti dheeraad si ay u soo darsaan Qaraar qabyo ah oo ay Dowladda Britain ka soo diyaarisay Go’aankii laga qaadan lahaa Tallaabadda ay DFS ku soo cayrisay Nicholas Hayesom.

Qaar kamid ah doladaha xubnaha ka ah Golaha amanaka ayaan jecleysan go’aankii dowlada federaalka Soomaaliya ku ceyrisay Ergaygii Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay golaha amaanka ayaa lagu sheegay in ay ka go’an Tahay  rajadooda ku aadan xoojinta Iskaashiga buuxa ee u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Golaha amaanka ayaa sheegay in sanadkan cusub uu Soomaaliya u yahay mid muhiim ah , waxa ayna ugu baaqeen Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sidii loo  dhaqaajin lahaa Isbedelka Siyaasadeed iyo Amni ee hor yaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -