Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu wado Hab dhaqan ku saleysan Aargoosi

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu wado hab dhaqan u muuqda mid aargoosi ah uu ku beegsanayo cid alle cidii  ka qeyb gashay Heshiiskii Kampala Accord  .

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah xubnaha sare ee Xisbiga UPD ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aargoosi ku wado dadka uu tuhmayo in ay qeyb ka ahaayeen  Heshiiskii Kampala Accord ee sababta u noqday in uu xilka R/Wasaaraha iska casilo sanadkii 2011-kii.

”Waxaa marqaati kuu ah Madaxweyne Farmaajo qof kastaa oo waxii la oran jiray Kampala Accord meel un kasoo gasha uu ka aargoosanayo,waxaan ognahay in UN-ka berigaa la tuhmayay in qeyb ka aheyd Kampala Accord, waxaa budkii uu ku dhacay Wakiilkii Qaramada Midoobey Mr Haysom oo saddex bil ka badan dalka aan joogin, hadda waxaa haray Sheekh Shariif iyo Yoweri Museveni dadka laga aargoosanayo, koley war uma hayo waxa lagaga aargoosanayo ayaga inoo sheegi doono” Ayuu yiri Xildhibaan.

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in qofkii damca in dowlada wax ka sheego ama raba in uu saxo la dacaayadeenayo, waxa uuna ugu baaqay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo in habdhaqankaasi badasho.

”Hab dhaqanka dowlada talada hada haysa waxa uu ku saleysan yahay hab dhaqan aargoosi ah, qofkii dowlada wax ka sheega ama sax is yiraahda labo gabi lagala boodayo, waxaan rabnaa in hab dhaqankaasi la bedelo oo sharciga lagu soo noqdo” Ayuu yiro Xildhibaan C/Fitaax.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -