Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo shaacisay Magaca Sarkaal ku dhintay qarax saaka ka dhacay Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada qarax miino oo saaka aroortii ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Inkastoo warar saaka soo baxay ay sheegayeen in qaraxa uu ahaa miino lagu xiray derbiga guri halkaas ku yaalla ayaa war lagu daabacay bogaga taageera Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in qaraxaas uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda oo lagu qarxiyey gaari ay wateen ciidamada dowlada.

Qaraxan ayey Al-sheegtay in lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga oo magaciisa ay ku sheegeen Col. Cabdullaahi yare, iyagoo intaas ku daray iney ku dhaawacmeen saraakiil oo magacyadooda lagu soo kala gaabiyey Col.Faysal iyo Col. Cabdirisaaq.

Dowlada Somalia iyo taliskeeda ciidamada milateriga ayaan ka hadlin sheegashada Al-shabaab, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo si adag u beenisay war been abuur ah oo la faafiyay

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Erdogan

Caydiid Ali

Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo War ka soo saaray baarista Kiiskii Wasiirka A/Dibeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---