Madaxweyne Farmaajo & Taabit oo caawa kulan xasaasi ah ku yeelanaya Villa Somalia

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu caawa kulan la qaadanayo Gudoomiyihii uu xilka ka qaaday ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa haddii uu qabsoomo noqonaya kii ugu horeeyey ee dhexmara labada nin tan iyo intii xilka ka qaadistu dhacday, iyadoo la xusuusan yahay in Taabit uu ka mid ahaa kooxdii ololaha u waday Madaxweyne Farmaajo xiligii tartanka doorashada.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, waxaa kulankan ka shaqeynaya xubno isugu jira Wasiiro, Siyaasiyiin, iyo odayaal dhaqameedyo dedaal ugu jira sidii labada nin la iskugu soo dhoweyn lahaa.

Farmaajo ayaa xilka ka qaaday gudoomiye Taabit isagoo ku maqan safarkiisii gobolada dalka ka dib markii Taabit doorasho yaab badan dhalisay oo ka dhacday xarunta gobolka Banaadir loogu caleemo saaray inuu xilka sii hayo labo sano.

Doorashadan sharci darada ah ayaa waxaa ka horeeyey khilaaf salka ku hayey shir looga hadli rabay maqaamka Muqdisho oo gudoomiye Taabit uu abaabulayey iyo eedeymo la xiriira dhul dan guud ah oo la bixiyey.

Lama oga in Madaxweyne Farmaajo iyo Taabit oo saaxiibo dhow ahaa ay sii wada shaqeyn doonaan iyo in kale, balse wax kasta waxay kala cadaan doonaan marka la ogaado natiijada ka soo baxda kulanka caawa labadooda dhexmari doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -