Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo mar kale dib u dhacday (Akhriso Jadwal cusub)

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu waday in 28-ka bishan ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa mar kale dib loo dhigay, kadib cadaadis la sheegay in guddiga uu kusoo kordhay.

Kulan magaalada Baydhabo ku yeesheen guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayey kusoo bandhigeen jadwalka iyo habraaca cusub ee doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa isku raacay in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 5-da bisha soo socota ee December, waxa ayna Guddiga sidoo kale diiwaan galinta Musharaxiinta bilaabayaan 25-ka bishan .

Warar horey usoo baxay ayaa sheegaya in guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed cadaadis xoogan kala kulmayaan dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga la sheegay in lagu cadaadinayo in doorashada ka reebaan musharaxiin gaar ah.

Halkan ka Akhriso Jadwalka cusub ee doorsha. 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo la gudbiyey & Guddoomiye Mursal oo qabtay

Caydiid Ali

Dagaal xoogan oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha Baardheere

Cabdi Cade

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo Somalia ku dilay Bilaal Al-Sudani

Caydiid Ali
Taboola Ads ---